Xukuumadda oo guddi u saartay xallinta colaadda Gaalkacyo.

  

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u xilsaartay xallinta colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, kaddib socdaal uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe ee xarumaha maamullada Galmudug iyo Puntland ayaaa warbaahinta u xaqiijiyay magacaabista guddiga .


Wuxuu sheegay in guddiga oo ay xubno ka yihiin wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil sare oo ciidan uu labada maamul iyo qaybaha bulshada kala xaajoon doono sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda Gaalkacyo.


Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahanba waxaa ka taagnaa xiisad colaadeed oo u dhexaysa maamullada Puntland iyo Galmudug, taas oo sababtay isku dhacyo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post