Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

  Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisu ay Gaalkacyo u tageen inay ka qaybqaataan dadaallada lagu xallinayo colaadda ka jirta magaalada.

Guuleed ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug uu kaalintiisa ka qaadanayo sidii xal loogu heli lahaa colaadda.
Wuxuu ka dalbaday shacbiga Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii loo xallin lahaa colaadda Gaalkacyo.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug oo ay xubno ka yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka ayaa kulan hordhac ah la yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay ugu sugnaa wafuud ka kala socota dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamul-goboleedyada dalka iyo qaybaha bulshada.

Dadaalka lagu joojinayo colaadda Gaalkacyo ayaa waxaa hoggaaminaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Share this post

Post Comment