Gaas iyo Guuleed oo saxiixday heshiis xabbad-joojin ah

  

Madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Labada madaxweyne ayaa wada saxiixday heshiis ka kooban afar qodob oo kala ah hirgelinta xabbad-joojin shuruud la’aan ah, kala raridda ciidanka is hor fadhiya, soo celinta dadkii ku barakacay dagaalka iyo magacaabidda guddi ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo wada xaajood ka yeesha xallinta khilaafka Gaalkacyo.


Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, madaxweynayaasha Koonfur-galbeed iyo Jubaland, madax ka socotay bulshada caalamka ayaa goob-joog ahaa madasha lagu heshiiyay.

   

 

  

Share this post

Post Comment