Al-shabaab oo nin sixiroole ah ku toogatay Jalalaqsi.


  

Al Shabaab ayaa toogatay nin ay ku sheegeen in uu ahaa Sixiroole, muddo 15 sano ahna uu ku shaqeysanaayay Sixirkaasi, sida uu sheegay Qaadiga Maxkamada Gobolka Hiiraan ee Maleeshiyaadka Al Shabaab


Toogashadan ayaa waxa ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Show oo ku yaallo duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana fagaaraha lagu tooganaayay ninkaasi u soo daawasho tagay Boqolaal dadweyne


Ninka Shabaabka ay toogteen ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cabdi Guuleed da’diisuna waxa ay aheyd 48 sano jir, sida uu cadeeyay Qaadigii xukunka maxkamada ku dhawaaqay


Shabaabka ayaa sheegay xilliga ninkan ay soo qabanayeen inuu ku guda jiray falka Sixirka ah, waxaana inta badan uu caan ku ahaa sida Shabaabka ay sheegeen inuu sameeyo waxa loogu yeero (Madiido) oo macnaheeda uu yahay labo qof oo isjecel in la kala geeyo, labo qof oo is necebna in la is jecleysiiyo.

Share this post

Post Comment