Taliyihii ciidanka garoonka diyaaradaha Boosaso oo la dilay.

  
Taliyihii ciidanka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ee gobolka Bari ayaa saakay lagu dilay guddaha garoonka.Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Xasan Shirre ayaa dad goob joogayaal ah ay sheegeen in dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidanka ilaallada garoonka diyaaradaha.

Ma cadda sababta ka dambeysa dilka taliyaha.

Garoonka Boosaaso ayaa waxaa ka socda howl dhismo dayactir ah, oo lagu balaarinayo garoonka.

Share this post

Post Comment