Xabaal-wadareed laga helay Mandera.

  

20 mayd ayaa laga soo saaray xabaal-wadareed laga helay magaalada Mandera, madaxda iyo dadka deegaanka ayaa sheegay.
Aqoonsiyada maydadka wali ma cadda, balse hal qoys ayaa sheegay in mid ka mid ah maydadka uu yahay kan haweeney la sheegay in la waayay hal toddobaad ka hor.
Dhacdada ayaa imaanaya dhowr bil kaddib markii xabaal-wadareed kan la mid ah oo ay ku jireen 11 mayd ah laga helay degmada Wajeer ee isla gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Soomaalida ku nool gobolka ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay hay’adaha ammaanka Kenya inay ka dambeeyaan xarig iyo dilka dhallinyaro looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Warbixin ay sanadkii hore soo saartay kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inay jirto caddayn xooggan oo muujinaysa in Cutubka Booliska Kenya u qaabilsan la dagaallanka argagaxisada uu gaystay dilal badan.
Ciidanka ammaanka Kenya ayaa beeniyay eedaha.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post