Home.Warka

Caruurta Canada oo qasiidadii Nabiga CSW kusoo dhoweeyay Qaxootiga Siiriya: Video.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Caruur fara badan oo u dhashay dalka Canada ayaa jimcihii kusoo dhoweeyay 163 qaxooti Siiriyaan ah, qasiidadii Tala’ al-Badru ‘Alayna’ ee Nabi Muxummad CSW looga soo dhoweeyay Madinah.

Caruurtaan ayaa qasiisada aad loogu tababaray in ay xifdiyaan, waxayna sida ay tahay u qaadeen qasiisadada Tala’ al-Badru ‘Alayna’.

Qasiidadan oo ah mid dhaqan Islaami ah oo ah tan ugu faca weyn qasiidooyinka Islaamiga ayaa waxaa loo qaaday Nabi Muxammed CWS markii uu u haajiray Madinah, iyadoo dadkii reer Madiina ay kusoo dhoweeyeen qasiidadan Tala’ al-Badru ‘Alayna’.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa dhanka kale garoonka diyaaraddaha Toronto ugu horetagay qaxootiga Siiriyaanka ee laga soo qaaday Lubnaan, waxayna tallaabadaani muujinaysaa sida Canada usoo dhoweysay qaxootiga Siiriya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *