ISIS oo ku eedeysay Al-Shabaab inay dishay jihaadiyiin baxsad.

  

Kooxda ISIS ayaa ku eedeysay Al-Shabaab inay dishay dhowr jihaadiyiin ah oo ka baxay kooxda kuna biiray dhinaceeda.

Warbixin lagu soo daabacay labo bog oo taageera kooxda ISIS ayaa lagu sheegay in madaxda Al-Shabaab ay amreen dilka iyo xarigga tobonnaan jihaadiyiin oo muujiyay rabitaankooda inay ku biiraan ISIS.


Waxaa ka mid ah Mohamed Makawi oo u dhashay dalka Sudan, loona haystay inuu ku lug lahaa weerar lagu dilay dibloomaasi Mareykan ah iyo darawalkiisa sanadkii 2008.


Makawi iyo nin kale oo lagu magacaabi jiray Abdelbasit Haj Hamad ayaa ka mid ahaa afar nin oo dowladda Sudan ay ku xukuntay dil iyagoo loo haystay dilka Granville balse xabsiga ayay ka fakadeen sanadkii 2010.


Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 10 milyan oo doollar ballanqaadday inay ku bixinayso xog horseedi karta qabashada labada nin.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post