Home.Warka

Wiil ay dhashay Saado Cali oo dacwad ka gudbiyay Dahabshiil.

Like Tweet Pin it Share Share Email


  

Wiil ay dhashay fannaanaddii waynayd ee Saado Cali Warsame ayaa maxkamad la fuulaya shirkadda xawaaladda Dahabshiil oo uu ku eedeeyay inay lacag ku bixisay dilkii hooyadiis loo gaystay, bogga Wargeyska The Star Tribune ee ka soo baxa gobolka Minnesota ayaa lagu soo daabacay.


Marxuumad Saado oo 64-jir ahayd ayaa bartamihii 2014 lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda sheegatay kooxda Al-Shabaab. Labo nin oo lagu eedeeyay dilkeeda ayaa la qisaasay bishii May ee sanadkan.


Wiilkeeda Xarbi Xuseen oo ku nool Minneapolis ayaa ku eedeeyay shirkadda inay lacag malaayiin doollar ah dul dhigtay madaxa hooyadiis kaddib markii ay Dahabshiil ka carootay hees ay marxuumadda ku dhaleeceysay shirkadda.


Wax yar ka hor dhimashadeeda, Saado ayaa dhaleeceyn u jeedisay shirkadda, iyadoo ugu baaqday Soomaalida inaanay wax ganacsi ku samaysan shirkadda.


Wiilkeeda Xarbi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo kiiskan. Sidoo kale shirkadda ayaan wali ka hadlin dacwadda.


Ka hor intaysan ku soo noqon Soomaaliya 2012, Saado waxay ku noolaan jirtay magaalooyinka New York iyo Minneapolis ee dalka Mareykanka.


Waxaa geerideeda looga baroordiiqay Muqdisho ilaa Minneapolis.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *