Home.Warka

Sacuudiga oo gabar la doortay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Markii ugu horeysay, ayaa haweeney loo doortay in ay jago dowladeed ka qabato dalka Sacuudiga.Guddiga doorashada boqortooyada, ayaa sheegay in Salma bint Hizab al-Oteibi ay ku guuleystay kursi golaha dowladda hoose ee gobolka Maka, iyadoo ka adkaatay 7 rag ah iyo qof dumar ah.

Ku dhowaad kun dumar ah iyo lix kun oo rag ah, ayaa ku tartamayay kuraasta goloyaasha, inkastoo awoodoodu ay xaddidan tahay.

Doorashada oo dhacday Sabtigii, ayaa aheyd tii ugu horeysay oo qof dumar ah ay isu taagi kartay musharaxnimo, ayna codeyn kartay. Natiijooyinka ugu dambeeyay, ayaa la filayaa maanta gelinka dambe.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *