Zika oo cabsi geliyay tartanka Olombigga.

160127100132_zika_infection_512x288_bbc_nocredit

Ayadoo uu jiro walaac laga qabay in fiditaanka xanuunka Zika uu khatar ku noqon karo cayaaraha olombigga ee ka dhici doona Rio de Janeiro, ayaa maamulayaasha cayaaraha caalamiga ee olombigga waxay sheegeen in wax kasta la sameeyey si ciyaarahaas sannadkan dhici doona looga ilaaliyo viruska.

Brazil ayaa xuddun u ah fiditaanka viruska Zika, laakin guddoomiyaha guddiga caalamiga ee olombikada Thomas Bach ayaa sheegay in todobaadkan la soo saari doono talooyin ku saabsan sidii cayaartoyda iyo dadka booqashada ku imaanaya ay u noqon lahaayeen kuwo bed qaba inta ay soconayaan cayaaraha Rio.

Sida ay sheegayaan warar halkaa laga helayo, hay’adda IOC ayaa dalbatay in warbixin maalinle ah ay qabanqaabiyeyaashu ka siiyaan si loo xaqiijiyo in la sameeyey wax kasta oo looga badbaadin karo ergooyinka isboortiga, taageerayaasha iyo dadka mutadawiciinta ah viruska.

Brazil ayaa filaysa in ku dhawaad nus malyan qof ay soo booqdaan inta ay cayaaruhu socdaan, waxaase jira walaac laga qabo in tiradaas ay hoos u dhacdo, ayadoo ay jiraan dhowr dal oo dumarka uurka leh kula taliyey inay dib u dhigaan saffarada ay doonayaan inay ku tagaan meelaha uu virusku ka jiro.

Viruskan oo kaneecadu gudbiso ayaa lala xiriirinayaa mushaakil xagga dhalmada ah oo sii kordhaya. Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ka digtay in virusku uu si xawli badan ugu fidayo Qaaradda Amerika, ayadoo ilaa hadda 20 dal lagu arkay.

Share this post

Post Comment