Alshabaab oo weerartay saldhig.

  

 

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen xerada Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hosse oo qiyaastii 45 km u jirta caasimada Muqdisho.


Dagaaalkan oo labo jiho ay ka soo qaaday Al-Shabaab ayaa keenay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.


Inta la ogyahay lix qof oo ay ku jiraan labo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka.


War ka soo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen, in ay ku qabsadeen mudo kooban xerada kuna qaateen sagaal gaari oo todobo kamid ah ay yihiin kuwa qoryuhu ku rakibanyihiin kuna dileen askar ka badan todobaatan.


Ma jiro wax wara oo ka soo baxay milatariga Soomaaliya oo ku aadan dagaalkan xalay ka dhacay Laanta Buuro. Isku dayo ay BBC-du kula xiriirtay saraakiisha ugu sareeya milatariga Soomaaliya ayaanay ka helin wax jawaaba.


Ilo madax bannaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Shabaabku horey u qaateen ilaa afar gaari oo ah kuwa qoryuhu ku rakibanyihiin, mid kalena ay gubeen kadib markii uu god uga dhacay.


Gawaaridan shabaabku qaateen ayaa duhurnimadii maanta laga gudbiyay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ka taliyaan Al-Shabaab sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan Awdheegle.


Shabaabka ayaa kordhiyay weerarada ay ku hayaan xeryaha ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa ciidamada dowladda tan iyo sanadkii hore.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post