Duqa Muqdisho: Baaritaan ayaa ku sameyn doonaa dabka ka kacay cusbitaalada Banaadir iyo Madiina.

  

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay cusbitaalada Banaadir iyo Madiino oo uu dab ka kacay, kaasoo sababay inay basbeylaan qeybo ka mid ah cusbitaalada.

Xubno ka mid ah maamulada Isbitaalada Madiina iyo Banaadir ayaa sheegay in dabka oo markiisi hore ka dhashay karonto, iyadoo waaxda gurmadka deg dega ah ee dab damiska ee dowlada hoose ee Xamar iyo shirkada Hormuud ay ku guulesteen inay damiyaan dabka, ayagoo ka hortagay inuu ku faafo qeybaha kale ee Cusbitaalada.


Dabka ayaa baab’iyay qeybta saalada qaliinka ee cusbitaal Madiina iyo qeybta keydinta daawooyinka caruurta ee cusbitaal Banaadir.


Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u kuur galay inta uu la eg yahay khasaaraha uu geystay dabka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post