Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay abaaraha dalka ka jira.

  

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in lix qof ay u dhinteen haraadka iyo gaajada ay sababeen abaaraha ka jira meella badan oo kamid ah dalka.

Waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa ay qaadeyso tallaabooyin dheeraad ah oo wax looga qabanayo abaarta, iyadoo la ballaarinayo howlaha gargaarka ee ay wadaan guddiga dowladdu u xilsaartay gurmadka abaaraha.


Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay gacan ka geysato sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaannada Somaliland, Puntland iyo gobollada koonfureed, isagoo intaas ku daray in codsi ku aaddan kaalmo dadkaas ay helaan ay gaarsiiyeen Mareykanka, Turkiga iyo Qaramada Midoobey.


Abaaraha Soomaaliya ka jira xilligan ayaa saameyn ku yeeshay kumannaan Soomaali u badan xoolo dhaqato.


Gobollada qaar ayaa ayaa webiyada ay biyo yaraayeen, waxaana jira digniino ay hay’adaha samafalka bixinayaan oo la xiriirto in dad badan ay u dhiman garaan haraad iyo gaajo, haddii aysan helin gargaar deg-deg ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post