Home.Warka

Banaan-bax dad ku dhaawacmay oo ka dhacay Baladweyne.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Saddex qof ayaa ku dhaawacantay banaan-bax maanta ka dhacay magaalada Baladweyne oo looga soo horjeedo qaabka ay dowladdu u wadda dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.


Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa inay haleeshay rasaas ay rideen ciidammada dowladda oo la doonayay inay ku kala eryaan dadka banaan-baxayay.


Bannaan-baxa ayaa yimid markii duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan qaarkood ay eedayn u soo jeediyeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii labaad ku sugan magaalada Baladweyne.


Odayaasha ayaa ku dhaliilay madaxweynaha inuu gooni-gooni ula kulmayo duubabka dhaqanka, taas oo ay ku tilmaameen kala qaybin bulsho oo ku aaddan dhismaha maamulka labada gobol.


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Baladweyne ayaa kulammo gooni-gooni ahaa la yeeshay qaar katirsan duubabka dhaqanka beelaha gobolka Hiiraan, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo la xiriira taabbagalinta maamulka labada gobol.


Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda dadaal ay dib ugu billaabayso shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo horraantii sannadkan ka furmay magaalada Jowhar, hase yeeshee hakaday markii ay ka baxeen beelaha gobolka Hiiraan oo dhaliilay qaabka ay hawshu u socoto.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *