DEG DEG: Maxkamada Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi Xaaji.

  

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa saaka oo Sabti ah go’aan rasmi ah ka gaartay Kiiska Xasan Xanafi Xaaji oo Shabaab u qaabilsanaa Shirqoolada Suxufiyiinta, kaasi oo Racfaan ka qaatay xukun maxkamada Ciidamada Qalabka sida saddexdii Bishan ay ku riday, kaasi oo ahaa dil toogasho.


Maxkamada Sare ee ciidamada ayaa saaka ku dhawaaqday Xukunka Xasan Xanafi Xaaji inuu yahay dil toogasho ah.


Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow, ayaa sheegay go’aanka maxkamada inuu yahay dil toogasho, maadaama eedeymaha loo haystay Xasan Xanafi ay yihiin kuwa cadeymo iyo qiraal loo helay.


Xukunkaan maanta Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ay ku riday Xasan Xanafi Xaaji, ayaa wuxuu meesha ka saarayaa doodihii ka taagnaa kiiska Xasan Xanafi.


Wuxuu Shabaab u qaabilsanaa dhanka Warfaafinta iyo sidoo kale maleegida Shirqoolada kala duwan ee Suxufiyiin badan lagu laayay, kuwaasi oo gudaha Muqdisho intooda badan lagu dilay.


Bahda Warfaafinta Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee saaka maxkamada sare ay ku riday Xasan Xanafo.Xasan Xanafi hada waa dil Suge, waxaana lagu celiyay oo uu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post