Madaxweyne Xasan: Galmudug iyo Puntland waxay caalamka tuseen in Al-Shabaab laga guuleysan karo.

  

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda oo dhexmarta shacabka iyo maamulada dalka ka jira uu soo dedejin karo in laga guuleysto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalka gobollada dhexe ku dhexmaray ciidammada Galmudug iyo Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegay dagaalkaas uu muujinayo in shacabku nabad buuxda doonayaan, diyaarna ay u yihiin inay arkaan Al-Shabaab oo gebi ahaan dalka laga saaro.


Madaxweynaha ayaa ammaan iyo bogaadi u jeediyay ciidammada Galmudug oo guul ka soo hooyay dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.


Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay taageero la garab taagan tahay ciidanka Galmudug.


“Maamulada Puntland iyo Galmudug waxay shacabka iyo caalamka tuseen in Al-Shabaab laga adkaan karo, lana soo afjari karo dhibaatada ay shacabka ku hayaan” ayuu yiro madaxweyne Xasan.


Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan dib u dhiska iyo tayaynta ciidamada Soomaaliya, si ay u hantaan amniga iyo nabadda dalka.

Share this post

Post Comment