UN : Carruurtii Askarta ahayd ee Shabaabka laga qabtay waa in qoysaskoodii lagu celiyaa.

  
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa wax laga xumaado ku sheegey tirada badan ee carruurta Shabaabka ay askareeyeen ee lagu qabtay dagaalkii ciidamada Puntland ay kusoo afjareen duulaankii Shabaabka deegaanadaas ku qaadeen.

“Caruurtani waa in dhaqancelin loo sameeyaa, waa in la daryeelaa, kadibna qoysaskoodii iyo waalidkoodii dib loogu celiyaa” ayuu yiri Keating.

Alshabaab ayaa uruursatay caruur aad u badan oo qoysaskoodii laga xoogey, kadibna inta tababar gaaban la galiyey la geeyaa goobaha dagaalada.

Share this post

Post Comment