FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu laayay Turkida iyo Soomaalida ee Maanta ka dhacay Muqdisho .

  
7 Qof oo isugu jira Soomaali, iyo Turki ayaa geeriyootay 5 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii dableey hubeysan rasaas huwiyeen Gaari ay Saarnaayeen Macalimiin, Arday iyo Shaqaale oo marayay Wadada Taleex Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uul ka tirsan Cusbitaalka Deva oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Xaqiijiyay in ay dhinteen 2 Macalin oo Turki ah iyo 4 Qof oo Soomaali ah iyo qof dumar ah oo wadada marayay, Sidoo kalana ay dhaawacmeen 3 Caruur aday aheyd oo Turki ah, Macalimad Keyan ah, iyo Macalimad Turki ah.
Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa sheegay in Kooxda Weerarka Fulisay ay wateen Gaari noociisu yahay Mini Bus, kaaso oo u baxsaday dhinaca wadada Km4 ee magaalada Muqdisho, haatanna lagu raad joogo.
Macalimiinta la weeraray ayaa ka howlgalayay Iskuul ay Turkidu ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, iyagoo xilliga ay wax dhacayeen ka soo rawaxayay Shaqa maalmeedkoodii caadiga ahaa.

Share this post

Post Comment