Sawirro: Qaabkii loo fuliyay toogashadii Xasan Xanafi.

  
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji oo horay u ahaa Sarkaal ka tirsan al-Shabaab qeybta Warbaahinta.
Ciidamo kala duwan oo ka tirsan dowladda oo safaf ku jiray ayaa toogasho ku dilay, Xasan Xanafi oo ku xirnaa tiir ka mid ah afar tiir ku taala fagaaraha School Polizio, halkaasoo lagu fuliyo xukunada dilka ee ay rido Maxkamadda ciidamada.
Sanadkii 2014 ayaa Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya ka soo qabteen magaalada Nairobi.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa 3-dii bishii hore ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo xukunkaas kadib uu racfaan ka qaatay.
Hase ahaatee Maxkamadda sare ee dowladda ayaa diiday racfaan, waxaana ay mar kale ku xukuntay dil toogasho ah 26-kii bishii hore.
Sarkaal ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Xasan Xanafi loo heystay dilka shan wariye, gaar ahaan dilkii Sheekh Nuur Abkey oo ka tirsanaa warbaahinta dowladda.
Xasan Xanafi oo ahaa 30 jir waxaa uu horay u ahaa Wariye ka tirsanaa Idaacadii Quraanka Kariimka ee magaalada Muqdisho, waxaana kadib uu ka biiray Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Meydka Xasan Xanafi ayaa lagu aasay qabuuro ku dhow halka toogashada ka dhacday, waxaana aasay koox ka tirsan dowladda Hoose oo qaabilsan aaska dadka xukunka dilka lagu fuliyo. 

   
    
 

 
  

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post