Ciidamada Barre Hiiraale oo lagu wareejiyay AMISOM.

  

Ilaa 50 askari oo raacsanaa Col.Barre Aadan Shire (Hiiraale), ayaa shalay lagu wareejiyay ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya, sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo.Ciidankan ayaa ku sugnaa deegaanka Sabca-Ashraaf ee gobolka Jubbada hoose.

Wareejinta maleeshiyada Barre Hiiraale ayaa qeyb ka ah heshiis dhawaan laga gaaray muranka Jubbooyinka oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Sida ay ku warrantay VOA, muran ayaa ka dhashay cidda lagu wareejinayo iyo waxa laga yeelayo ciidamadaas 50-ka gaaraya.

Muranka ayaa u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka wada tirsan, iyada oo ugu dambeyntiina kuwa Itoobiya lagu wareejiyey.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post