Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya.

  

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha wadin ay duqeeyeen laba goobood oo ay u sugnaayeen Al-Shabab Isniintii iyo Talaadadi.

Af-hayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in duqaymahan loo fuliyay sabab ah in Al-shabaab ay halis ku hayeen ciidankooda.

12 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa lagu dilay weerarradan sida uu sheegay Af-hayeenka Pentagon-ka.

Ugu yaraan 8 qof ayaa lagu dilay duqayn habeenki Talaadada, ka dhacday deegaanka Yoontoy, oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada, shan ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, halka inta kalena ay ahaayeen dad shacab ahaa.

Duqaynta labaad ayaa ka dhacday degaanka Cabdalla-Biroole, ee duleedka Waqooyi Galbeed ee Kismaayo fiidnimadii Isniinta.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post