Maxkamad ku taal Faransiiska oo Xabsi ku xukuntay Toddobo Soomaali ah.

  

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku eedaysnaa burcad-badeednimo ayaa lagu maxkamadeeyay dalka Faransiiska.
Dhallinyarada oo ka kooban toddoba qof ayaa lagu xukumay inta u dhexaysa lix ilaa 15 sano oo xabsi ah.
Christian iyo Evelyne Colombo oo ahaa lammaane u dhashay dalka Faransiiska oo ku jiray socdaal dhinaca badda ah oo ay doonayeen inay ku maraan dunida oo dhan ayaa sannadkii 2011-kii laga afduubtay Badda cas.
Kooxdii geysatay af-duubka ayaa toogatay ninkii, dabadeedna kaxaysatay xaaskiisii oo 48 saacadood kaddib ay badbaadiyeen ciidammada badda ee dalka Spain.
Maxkamadda ridday xukunka dhallinyada ayaa sheegtay in dhallinyadu lagu helay dilka iyo af-duubka ay ku eedaysnaayeen ee ka dhacay Gacanka Cadmeed, 2011-kii.
Maxkamadda ayaa min 15 sano oo xarig ah ku xukuntay Farxaan Cabdisalaam Xasan iyo Axmed Cabdullaahi oo ku eedaysnaa hoggaamiyeyaasha kooxda.
Dhallinyarada kale ayaa waxaa kamid ah Farxaan Maxamuud Abshir oo maskaxda ka jirraday muddadii uu xirnaa, waxaana lagu xukumay lix sano oo xarig ah.
Qareenkii dhallinyaradaas ayaa sheegay inay culus yihiin xukunnada ay maxkamaddu ridday, hase yeeshee qoyska haweeneyda la af-duubtay ayaa caddaalad darro ku tilmaamay xukunkaas, waxayna sheegeen in la khafiifiyay.

Share this post

Post Comment