Home.Warka

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis horumarineed.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub oo ay ku xoojinayaan xiriirkooda dhinaca iskaashiga ah.

Madaxweyneyaasha labada dal ayaa heshiiska ku kala saxiixday kulan ay ku yeesheen magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan oo ay uga wada hadleen arrimo la xiriira iskaashiga labada dowladood.
Heshiiska ayaa dhigaya inuu labada dowladood u furmo qorshe hor leh oo ay isaga kaashanayaan amniga, dhaqanka, Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Labada dhinac ayaa isla meel-dhigay in hirgalinta heshiiska cusub loo xilsaaro guddi heer wasiir ah oo ka kooban labada dowladood.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in heshiisku xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo shucuubtooda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyay taageerada dowladda Suudaan ay muddada dheer siinaysay Soomaaliya.
Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa isaguna shegay in dowladda iyo shacbiga Suudaan ay joogtaynayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsan yahay heshiiska cusub.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *