Wiil Soomaali ah oo qirtay inuu doonayay ku biirtaanka kooxda Daacish.

  

Wiil Soomaali-Ameerikaan ah, oo degan gobolka Minnesota ee Maraykanka ayaa qirtay shalay oo khamiis ahayd inuu qorsheynayay inuu ku biiro kooxda dowlada Islaamiga ee Daacish ee ka dagaalanta dalka Suuriya.
Cadnaan Faarax, oo da’diisu tahay 20 jir, ayaa qirtay mid ka mid ah dacwooyinka lagu soo oogay ee la xiriiray inuu taageero qalab oo aan la cayimin u fidiyay urur argagixiso oo Caalami ah, sidaana waxaa sheegay afhayeenka xafiiska xeer Ilaaliyaha dalka Maraykanka.

Cadnaan Faarax ayaa lagu wadaa inuu wajihi doono xabsi dhan illaa 15 sano.
Weli si rasmi ah loo cayimin taariikhda lagu dhawaaqi doono xukunka,.
Cadnaan iyo shan kale oo rag ah ayaa la qabtay bishii Abriill sanadkii 2015-kii, iyadoo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.
In ka badan 80 qof ayaa ayaa waaxda Cadaalada ee dalka Maraykanka ay ku soo oogtay kiisas la xiriiray ku biiritaanka dowlada Islaamiga ee Daacish ee sheegtay inay masuul ka ahayd weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Baaris bishii Nofember ee sanadkii hore iyo weerarkii ka dhacay bishii Maarso ee sanadkan magaalada Brussels oo ay ku dhinteen 31 qof.

Share this post

Post Comment