6 Caruur iyo ayeeyadood  oo lagu dilay Shalaambood.

  
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adan Cali “Najax”ayaa canbaareeyey dilka 6-da caruurta ah iyo ayeeydood loogu geystey deegaanka Dudumo ee gobolkaas.

Dilkan ka dhacay tuulada Dudumo oo 5km u jirta Shalambood ayaa waxaa gaystay koox dablay ah oo xalay kusoo weerartay gurigooda, kuwaasi oo dadkaasi la dhacay rasaas, sida ay sheegeen dadka tuulada.
Gudoomiyaha ayaa  sheegay in dilkan yahay mid ku salaysan cadaawad qabaa’il, waxana uu intaasi ku daray in marar badan ay isku dayeen sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisadda labada beelood u dhaxeysa oo ka taagneyd gobolka Sh/Hoose in muddo ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in dhowr jeer oo hore lagu guul darreystey gogol nabadeed oo loo fidiyey labadan beelood.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post