Home.Warka

Boqolaal Somali tahriibyaal oo ku dhintay bada u dhexeeysa Liibiya iyo Masar.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay geerida Soomaali badan oo la sheegay inay ku qarracantay badda u dhexaysa dalalka Masar iyo Liibiya.
Muhaajiriin gaareysa afar boqol oo qof oo u badan Somaali oo doomo uga ambabaxay dalka Masar, una socday Talyaaniga ayaa lagu soo warramayaa inay ku qarraqmeen badda u dhexaysa labada dal.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa u sheegay Idaacadda VOA-da inay wadaan baaritaan lagu xaqiijinayo baaxadda qasaaraha dhacay, wuxuuse shaki la’aan ku tilmaamay in masiibo ku habsatay muhaajiriin gaaraya dhowr boqol oo qof oo u badan Soomaali.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay la xiriirtay safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka Masar iyo Talyaaniga, hase yeeshee aysan wali ka helin xaqiiqda waxa dhacay, ayna wadaan baaritaan rasmi ah.
Ehellada dadka ay doomuhu la degeen qaarkood ayaa tirada muhaajiriinta ku sheegay, ilaa afar boqol oo qof, oo ugu yaraan kala bar ay Soomaali ahaayeen.
Dhowr iyo labaatan qof oo laga badbaadiyay muhaajiriinta ayaa warbaahintu xaqiijisay iyadoo ay muuqato in dadka intiisa kale ay ku qarraqmeen badda.
Dowlada Masar ayaa sheegtay inaysan hayn tirada rasmiga ah ee tahriibayaasha ee saarnaa doomaha degay.
Sidoo kale, dalalka Liibiya, Talyaaniga iyo Giriigga oo dhinacyada ka xiga badda ay dadkaasi ku dhinteen ayaan soo saarin wax war ah oo ku saabsan mushkiladdaas.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *