Home.Warka

Askar Boolis Kenyan ah oo Mandheera lagu dilay.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Sagaal askari oo ilaalo ka ahaa bas u socday Magaalada Mandheera ayaa lagu weeraray inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Kutulo, waxaana lagu dilay weerarkaasi shan ka mid ah askarta dalka Kenya.
Job Boronjo oo ah taliyaha booliiska Mandheera ayaa sheegay in Gaariga askarta ee la weeraray uu 20 ilaa 40 mitir u jiray baska ay ilaalada ka ahaayeen.
Dadka weerarka gaystay oo Al shabaab loo malaynayo ayaa tiradooda lagu qiyaasay 28 illaa 30, iyadoo dadkii weerarka geystay la tuhunsan yahay inay galeen xadk dhanka Soomaaliya.
Wararka ayaa tibaaxaya in in weeraakani uu yahay kii labaad ee ka dhacayo isla deegaankaasi.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *