Home.Warka

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Gaarrisa Kenya.

Like Tweet Pin it Share Share Email


 Gaarrisa-Kenya-Hal qof ayaa ku geeriyooday saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, weerar Miino oo lala eegtay gaari Ambulance ah oo marayay inta u dhexeysa degaannada Huluuqo iyo Sangailu oo ka tirsan Gobolka Gaarrisa ee waqooyi Bari Dalka Kenya.


Ninka dhintay oo ahaa wadihii gaariga, ayaa lagu magacaabi jiray Abbey Dhuuboow Mohamed, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa Labo ka tirsan shaqaalaha Cusbitalka Huluuqo iyo arday.

Maamulka Cusbitalka guud ee degaanka Huluuqo ayaa Boliiska ku wargeliyay dhacdadan, iyadoo laamaha ammaankuna ay rumeysan yihiin iney falkani ka dambeeyeen malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Ma jirto cid loo qabtay Qaraxa, laakiin Booliska ayaa sheegay iney ku raad-joogaan raggii fuliyay weerarka,waxaana laga tuhun qabaa iney u soo gudbeen gudaha Dalka Soomaaliya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *