Shirka madasha wada tashiga Qaran oo maanta ka furmaya Baydhaba.


Baydhabo-Shirka madasha wada-tashiga qaran ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada, ayaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Baydhabo , sida ay sheegeen qaar ka mida masuuliyiinta maamulka Koofur Galbeed.

Shirkan oo ah kii ugu dambeeyay ee looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka Dalka Soomaaliya ee sanadkan 2016 dhici doona,ayaa lagu lagu dhammaytiri doonaa go’aankii horraantii bishan laga soo saaray shirkii Hoggaamiyeyaasha madasha ku yeesheen Magaalada Muqdisho,
Madasha wada tashi ee maanta lagu wado in laga furo Byadhaba ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aaddan waqtiga ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, labadiisa kuxigeen iyo tan Madaxweynaha intuba.

Share this post

Post Comment