Britain oo afti u qaadaysa xubinnimadeeda Midowga Yurub.


Shacbiga dalka Britain ayaa maanta oo Khamiis ah u codaynaya, in uu dalkoodu xubin ka sii ahaanayo ururka Midowga Yurub iyo in kale.
Cod bixinta oo billaabanaysa barqannimada Geeska Afrika ayaa waxaa codkooda dhiibanaya ku dhawaad 46,500,000 (Afartan iyo lix milyan iyo shan boqol oo kun ).
Dhinacyada siyaasadeed ee Britain, gaar ahaanna xubinnimada dalkaas ee Midowga Yurub ayaa waxaa guulaysanaya dhinaca hela, in ka badan kala bar, codadka dadweynaha

Natiijada aftida ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo ugu dambayn Jimcaha barri ah.

Ra’iisal wasaaraha dalka Britain, David Cameron ayaa hindisay, in dalkiisa ay dani ugu jirto inuu ka tanasulo xubinnimadiisa ururka Midowga Yurub.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post