Gado: Afar carruur ah oo lagu dilay duqayn diyaaradeed.


Afar carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duqeyn ay diyaarado ka geysteen, deegaan lagu magacaabo Ilaale oo u dhow xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya.
Ilaale oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gado ayaa xadka labada dal u jira 15KM.
Dadka deegaanka ayaa Laanta Af Soomaaliga ee VOA -da u sheegay in diyaaradaha duqeeyay ay leedahay dowladda Kenya, dadkuna ay aad uga baqayaan in diyaaradahaasi ay mar kale duqeeyaan.
Maamulka degmada Ceelwaaq ayaa xaqiijiyay in sidoo kale duqeynta lagu laayay xoolo u badan geel oo dadka deegaankaasi ay leeyihiin.
Dhinaca kalana, waxaa jira warar sheegaya in diyaaraduhu ay baadi goobayaan, dabley 20-kii bishan weerar ka geysatay deegaan ku dhow xudduuda Soomaaliya iyo Kenya oo ka tirsan degmada Mandheeraa.
Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay shan qof oo ka tirsanaa ciidammada Kenya ee ka hawl-gala gobolkaas waddada loo galay waddo ay marayeen.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post