Home.Warka

Taliyihii NISA ee Sh/dhexe oo la aasay iyo gacan ku dhiiglihii dilay oo la soo bandhigay+Sawirro

Like Tweet Pin it Share Share Email


Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobollaka Shabeelaha dhexe Cabdiwlai Ibraahim Junbur ayaa maanta aas qaran loogu Sameeyay Magaalada Jowhar, iyado Halka Lagu aasayna lagu soo Bandhigay gacan ku dhiigle Yuusuf Xuseen MAxamuud oo isagu xalay dilay Taliyaha.



Gacan ku dhiigle Yuusuf Madoobe ayaa Ciidanka Qalaba sida waxa ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa Tuulooyinka Baaray iyo Banaanay oo Qiyaastii Jowhr u jirta in ka badan 10 kilo Mitir kadib Howlgal Qaatay wax ka yar 15 saacadood oo Baxsadka lagu Baadi Goobayay.
Gacan ku dhiiglaha ayaa loo soo Bandhigay dadkii ka qeyb galay aaska Marxuumka isagoo ay ka muuqatay Walwalka waxa uu wajihi doono waxaana Gob Joog ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Saraakiisha Ciidamada Nabadsugidda, Milatariga, Booliiska iyo ehalada Marxuumka


Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cali Cabdulaahi Guudlaawe oo ay garab taagnaayeen Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha iyo iyo Magaalada Jowhar ayaa ka Tacsiyadeeyay Geerida Taliyaha waxa uuna sheegay in Cadaalada la Marsiindoono Yuusuf Xuseen Maxamuud oo lagu hayo dilka.
“Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Alaha u Naxariisto Taliye Cabdiwali waxa uu ahaa Qof nagu weyn waxbadana ka qabtay amaanka Gobolka waxa uu ahaa Qof ay ka Baqaan Nabad Diidka isla Markaana Shacabka Shabeelah dhexe ay Jeclaayeen waxaa Mahad Mudan Ciidamada Qalabka Sida oo soo qabtay Gacan ku dhiiglihii dilay Taliyaha waxaana la Marsiin doonaa Cadaalada Insha allah ninka aad aragteen ee dilka Geeystay”
Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Tilmaamay inuu ka xun yahay Geerida Taliyaha laakiin ay Guul tahay in la qabtay ninka Dilay.
“Alaha u naxariisto walaalkeen Cabdiwali waxa uu ahaa Shaqsi wadani ah oo ah oo wax ka qabtay Amaanka Gobolka Shabeelaha dhexe waxa uu ka mid yahay Goboladda ugu Horumarsan Qeyb ayuu ka qaatay Ciidamada Qalabka sida wan uga Mahad Celinaya inay Soo qabteen Gacan ku dhiiglaha Xaqdarada ku dilay taliyaha Cadaalada ayaana la Marsiinaya” ayuu yiri Xildhibaan Abuukar Isloow.
Maxamed Cabdulle Junbur oo adeer u ahaa Alaha u Naxariistee Talliye Cabdiwali ayaa sheegay inay ugu Mahad Celinayaan Ciidamada Qaranka Soo qabashada Gacan ku dhiiglaha ayna rajeynayan in Cadaalada la Marsiiyo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *