Raiisulwasaaraha Britian oo xilka iska casilaya.


Ra’iisul-wasaaraha Wadanka Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay inuu iscasilayo bisha October ee sanadkan.
Iscasilaadaasi Mr: Cameron ayaa ka dambaysay ka dib markii codbixiyayaasha Wadankaasi ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in ay ka baxaan Midowga Yurub.
Raiisulwasaaraha Wadanka Britian Mr Cameron ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu si wayn u caddeeyay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka Dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post