Daawo Sawirada”Ganacsato lagu dhaawacay magaalada Pretoria.


Tuulooyin hoos dhaca magaala madaxda Dalka K/Afrika ee Pretoria oo maalmihii ugu dambeyay boob iyo barakac loogu geystay ganacsatada Qoxootiga ku ah dalka ayaa hada degan waxaana jira dhalinyaro dhaawacyo soo gaareen intii ay socdeen rabshadahaasi.

Tuulooyinka boobka loo geystay oo gaarya ilaa shan Tuulo ayaa waxaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku lahaa dukaamo halkaasi kasoo gaareen khasaaro lixaad leh.

Dukaamada la boobay ayaa waxaa lagu qayaasaa ilaa sedex boqol oo isugu dukaamo waa weyn iyo kuwa yar yar ay lahaayeen Soomaalida iyadoo dhinaca kale boob ceynkaasi loo geystay Qoxootiyada kale sida Ethiopian,Bangaladesh,iyo Pakistan waxaana cagta mariyay dad ka careysan Duqa magaalada Pretoria oo loo magacaabay gabar kasoo jeeda Gobolka Kwazulu Natal.

Axmed Ibrahim Xanshi oo ka mid ahaa dhalinyaradii dhaawaca halista kasoo gaaray,waxana uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in loogu tagay meyd ahaan balse markii dambe ay soo gurmadeen Soomaali meelo fog fog ka yimid.
“Waxaan dukaanka ku joognay afar dhalinyaro oo aan isla laheen xilli duhur ah inagoo dukaanka dhex joogno ayaa mar qura ina soo gaaray dad badan oo xoomaya kadib ayay nagu bilaabeen dhagaxaan iyo ulo anigu markaa baa miyir iigu dambeysay” ayuu yiri Dhibane Axmed.


Saleyban Maclin Xuseen oo ka mid ahaa madaxdii Jaaliyadda Somali Communty Board ee gurmadka u sameysay ayaa isna sheegay inay jiraan dad qoysas ah oo boob xoogani loo geystay ee hada ku suganyihiin Xaafadda Pretoria Weste ee Soomaalida u badantahay.

Ganacsatada Soomaalida ee sedexdii maalmood lasoo dhaafay lagu boobay Tuulooyinka dhaca magaalada Pretoria ee K/Afrika ayaa qayaas ahaan waxay ku waayeen hanti gaaraysay dhowr malyan oo rand ka dalka ah oo u dhigma boqol kun oo dollar.


Source: Sonna.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post