Home.Warka

Booliska Talyaaniga oo qabtay tahriibiye Soomaaliyeed.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Roma-Saraakiisha Booliiska dalka Talyaaniga ayaa shaaciyay inay magaalada Roma ku xireen nin Soomaali ah, oo looga shakiyay inuu ka mid yahay shabakad dadka muhaajiriinta ah u tahriibisa dalalka Yurub.

Xeer ilaaliyaasha magaalada waqooyiga Talyaaniga ku taalla ee Brescia, ayaa codsaday in la xiro ninkan oo aan magaciisa la sheegin, isagoo loo heysto in uu warqado been abuur ah u sameeyey tahriibayaal.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegayaa inuu warqado been-abuur ah u sameeyay laba qof oo u dhalatay waddanka Suuriya, kuwaasoo sanadkii hore loo xiray in ay xiriir la leeyihiin kooxda IS.

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar ayaa dagaal kula jira kooxaha dadka tahriibiya, kuwaasoo ah sil-sillad isku xiran xarumo qarsoodi ahna ku leh gudaha magaalooyinka Soomaaliya iyo waddamada kale ee ay dadka ka dhoofiyaan.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *