Cabdirashiid Khadar oo xabsi daa’in lagu xukumay.


Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee dalka Britain ayaa xabsi daa’in ku xukuntay wiil Soomaali ah oo lagu helay danbi ah in uu dilay xaaskiisa oo uur leheyd sannadkii hore.

Cabdirashiid Khadar oo 22 jir ah ayaa Maxkamadeyntiisu socotay muddo toddobaad ah iyadoo xeer beegtidu ku heshay dambi ah in uu dilay xaaskiisi, Amal Cabdi oo 21 jir aheyd, iyadoo uur leh bishii July ee 2015.
Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay caddeymo muujinaya in Cabdirashiid uu saddex toorrey oo kala duwan ku dhuftay xaaskiisa kaddib markii ay ka dalbatay furriin.

Wiilkan ayaa beeniyey in uu xaaskiisa dilay,markii meydkeeda laga helay guriga ay deganaayeen sanadkii hore.
Maxkamadda ayaa caddeeysay in Cabdirashiid uu tagay Britain bishii March ee 2015 si uu xaaskiisa ula noolaado, waxayna markii hore lammaanahan ay isku guursadeen waddanka Ethiopia.

Garsoore Neil Garnham oo xukunka ku dhawaaqay ayaa u sheegay eedeysanaha in uu ku kacay fal wuxuushnimo ah oo si gardarro ah uu ugu dilay gabar dhallinyaro ah oo xaaskiisa aheyd,
”waxa ad tooriyeysay kaliya ma ahan hal mar, balse waa toban jeer” ayuu yiri Garsooraha maxkamadda,
C/rashiid Khadar ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, ugu yaraana uu la socda 20 sano oo uu xabsiga ku jirayo.

Share this post

Post Comment