5 Nin oo Ajaanib ah oo laga helay Xeebta Kismaayo.


Shan Nin oo ajaanib ah ayaa Maanta laga helay Xeebta Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo sheegtay inay Badmaaxiyiin yihiin, doonina kula degtay Xeebaha Badwaynta Hindiya.
Ajaanibtaas, oo sheegtay inay ka soo jeedaan Jasiiradda Comoros, isla markaana ku hadlaya Luuqadda Fransiisdka, ayaa haatan ku sugan Isbitaalka Magaalada Kismaayo, iyadoo lagu baxnaaninayo halkaasi.
Saraakiisha Booliska ee Magaalada Kismaayo oo ay warkani ka heshay Wakaaladda Wararka Somaliyeed ee SONNA, ayaa sheegaya in Nimankani laga soo helay Xeebta Magaalada, iyagoo xaaladooda Caafimaad ay aad u liidatay, ayna ku socoto baaritaan lagu hubinayo inay badmaaxiin yihiin iyo in kale.
Saraakiishu waxay kaloo intaasi ku dareen in wixii Warar ah ee ku saabsan arrintodda dib loo faahfaahin doono Insha allah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post