Qarax Dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka Muqdisho + SAWIRO


 Inta la ogyahay 12-ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay Sadax qof oo kalana waxay ku dhaawacmeen Qarax Miino oo qabsaday Gaari nuuca shacabka ay raacaan oo marayay deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Qaraxaan uu qabsaday Gaarigaan Bi’elka ah ee ka anbabaxay magaalada Muqdisho sidoo kalana ku siijeeday degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Dadka ku dhaawacmay Qaraxaan waxaa loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah Aabo iyo Labo caruur ah oo uu dhalay, sawirada ayaa muujinaya maydadka dadka oo intooda badan googo’ay.

Wadadaan ayaa horay waxaa kaga dhacay Qaraxyo Argagixisada Al-Shabaab ay u dhigeen ciidamada dolwada iyo kuwa AMISOM, iyadoo Qaraxyadaasi ay dhibaato ka soo gaareen dad shacab ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post