Boqorka Sacuudiga oo qaabilay R/wasaaraha Soomaaliya.


R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo haatan booqasho ku jooga Sacuudiga, ayaa la kulmay u adeegaha Labada Xaram ee Shariifka ah,ahna Boqorka Sacuudiga Boqor Salman bin C/Casiis Ala Sacuud.

R/wasaare Cumar C/rashiid oo la afuray Boqorka, kadib, waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Walalaha ah Soomaalia iyo Sacuudiga iyo guud ahaan qadiyadaha muhimka ah oo ay laba waddan wadagaan.
Kulunkaasi dhex maray Boqorka iyo R/wasaaraha Soomaaliya, waxa uu ka dhacay Qasriga Al-safaa ee Maka Al-mukaram.
Dhanka kale, R/wasaaraha Somaaliya oo ka Cimreystay Masjidka Xaramka, wuxuu kaloo halkaa kula kulmay Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Masjidka Xaramka General Mahamed Al-axmadi.

Share this post

Post Comment