Afur loo sameeyay Askar Mareykan ah.


Wasaaradda difaaca ee Mareykanka (Bentigon) ayaa sidii sanad kasta caadada u aheyd munaasabad afur ah ugu sameesay magaalada Washinton Askarteeda kuwa muslimka ah , iyadoo ku qadarinaysa bisha barakeysan ee Ramadaanka Kariimka.

Afurkaa kadib, waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Difaaca Mareykanka Ashton B. Carter, wuuuna munaasabadaa shahaaddo sharafeed howlakrinimo ee sugidda amniga Mareykanka ah. ku guddoonsiyay qaar ka mid ah kumanaanka Askarta Mareykanka ee Muslimiinta ah, kuwaa oo ay ku muteysteen sida naf hurnimada leh oo ay waddankooda ugu adeegeen.
Ashton B. Carter, wuxuu kaloo munaasabadaa ka sheegay, in xafladda afurka ay u sameeyeen Ciidamadooda Muslimka ah, micnaheedu uu yahay mid quwad iyo niyad cusub ku abuuraraysa safafka Ciidamada Mareykanka meel kasta ay joogaanba, siiba kuwa aaminsan diinta Islaamka.

Share this post

Post Comment