Home.Warka

Masjidka Xaramka oo lagu khatimay Qur’aanka Kariimka.

Like Tweet Pin it Share Share Email


 
In ka badan hal milyan oo qof, ayaa xalay bisha Ramadaan 29-tan aheyd kaga qeyb galay khatimka Qur’aanka Kariimka ee Masjidka Xaramka ee magaalada Maka Almukaram,

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Islaamka ee Iina, Masjidka Xaramka ayaa xalay ahaa mid ay camireen muslimiin badan oo Salaada Cishaha iyo Taraaxida ku Dukaday , kadibna dwaawaday xafladda loo sameeyay ka khatimka Qur’aanka oo lagu sagootinayay bisha Ramadaanka Kariimka.
Imaamka iyo khadiimka Masjidka Maka Al-mukaram Sheekh C/raxmaan Al-sudiis, ayaa munaasabadaa lagu khatimayay akhriska Qur’aanka, ugu duceeyay muslimiinta meel kasta ay joogaanba. inuu ilaahey ajir ka siyo fadliga soonka bisha Ramadaan iyo inuu ilaahey islaamka ka fogeeyo wax kasta oo xumaan ah.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *