Tony Blair: Maalin kasto ayaan Quraanka aqriyaa.

tony

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair, ayaa sheegay “in caqiidada Islaamka ay tahay mid aad u qurux badan, sidoo kale wuxuu sheegay in Nabi Muxamad SCW uu ahaa awood ilbaxnimo oo xoog leh”.

Tony Blair, ayaa sheegay inuu maalin walbo aqriyo Quraanka Kariimka islamarkaasina uu ka bartay cilmi aad u badan, sida arimaha ku saabsan Guurka, Dumarka iyo axkaamta.

Mr Blair, wuxuu sheegay in intii uu Quraanka aqrinayay uu fahmay in kooxaha hada jira ee Jihaadiyiinta ah, ay iyaga si qaldan u fasirteen Quraanka, islamarkaasina Quraanka uusan ahayn mid qeexaya in Seefta kaliya la xambaarsanaado, balse sidoo kale Nabada uu baraarujiyo.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post