Caasimadda dalka Ruushka oo maanta si weyn looga ciiday.


ciida ruushka

Inkastoo caalamka Islaamka inta badan maanta laga soomanyahay ayaa hadana qeybo ka mid ah muslimiinta adduunka waxa ay maanta u dabaaldageen maalinta ciidul fitriga.

Dalalka sida weyn looga ciiday ayaa waxaa ka mid dalka Ruushka, halkaas oo masjidka ugu weyn ee caasimadda Moscow ay soo buux-dhaafiyeen boqolaal dad ah oo tukanayay salaadda ciida.

Maalintii shalay ayay culimada Ruushku sheegeen in ay ku ekaa soonka, maantana ay sidaas ciid ku tahay walow aan laga warhayn in ay bisha arkeen iyo in kale.

Ruusha ayaa waxaa ku nool dad badan oo muslimiin ah.

ruushka

ciid ruushka

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post