Home.Warka

Qarax Ka Dhacay Meel U Dhaw Masjidka Nabiga SCW Ee Madiina Al Munawara.

Like Tweet Pin it Share Share Email

QARAX MASAAJID NABIGA SCW

Wararka ka imaanaya Magaalada Barakeysan ee Madiina Al Munawara ayaa ku soo waramaya in uu qarax ka dhacay Goob Gawaarida la dhigto oo ku dhaw Masjidka Nebiga Magaalada Madiina Almunawara.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ay dhinteen 6 ruux oo 4 kamid ah ay ahaayeen ciidamada Ammaanka, halka labada kalana ay ahaayeen dadweynihii Cibaadada u joogay magaalada Barakeysan ee Madiina.

Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa Qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay agagaarka xarunta
Dibolomaasiyadda Mareykanka ee ku taalla magaalada Jidah oo dhacda Woqooyiga Dalka Sacuudiga.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *