Al-Shabaab oo weerartay saldhig booliiska Kenya oo ku yaalla xuduudda.

weerar-hore

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in inka badan 100 dagaalyahannada Al-Shabaab oo hubeysan ay xalay  weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Diif ee gobolka waqooyi-bari, una dhow xuduudda Soomaaliya.

Taliyaha booliiska deegaankaas, Joseph Boinnet oo weerarka xaqiijiyey ayaa sheegay in inkastoo tirada soo weerartay saldhigga ay badneyn haddana askarta ay iska difaaceen, hal askarina laga dhaawacay.

Ilo kale oo booliiska ka tirsan oo ka gaabsaday in la magacaabo ayaa iyaguna sheegay in maleeshiyada ay saldhigga kala baxsatay 10,000 oo xabo oo rasaas ah, 13 qoriga Ak47, dharka booliiska iyo agab kale.

Saldhigga Diif ee la weeraray ayaa sidan oo kale bishii April ee sannadkan ay Al-Shabaab u galeen, iyagoo ku dhaawacay saddex askari, kana dhacay gaari booliisku lahaa.

Share this post

Post Comment