Home.Warka

QM oo Soomaaliya ugu deeqay laba Milyan oo Doollar.

Like Tweet Pin it Share Share Email

un

Qarammada midoobay ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu yaboohday lacag dhan laba Milyan oo Doolaarka Maraykanka ah ($ 2 Million).

War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta Qarammada midoobay ee magaalada New York ayaa lagu sheegay, indhaqaalahaas lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Warka ayaa waxaa kaloo lagu xusay, in deeqda lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha gobollo ay ku jiraan Banaadir iyo Jubbada hoose.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in deeqdu aysan qayb ka ahayn, barnaamijka caalamku uga qayb qaadanayo horumarinta Soomaaliya ee New Deal.

Barnaamijka Qarammada midoobay u qaabbilsan horumarinta iyo nabadgalyada oo bixinaya deeqda ayaa sheegay, in Soomaaliya ay baahi weyn u qabto, in laga taageero horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay, in deeqdani ay toos ugu dhici doonto, Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ay maamusho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *