Home.Warka

Theresa May oo arbacada xilka la wareegeysa.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Theresa May,

Haweeneyda noqondoonto ra’iisul wasaaraha dalka Britain ayaa waxa ay ballan qaaday in ay mid guuleysta ka dhigi doonto hananka ay UK kaga baxayso Midowga Yurub.

Waxa ay Theresa May taageereysay in ay Eu ka sii mid ahaadaan markii uu socday ololihii aftida.

Theresa May – oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha – ayaa waxa ay noqotay hogaamiyaha cusub ee xisbiga muxaafidka ee Conservative-ka, kadib markii haweeneydii kale ee la tartameysay inay tartanka isaga baxday.

Waxa ay shaqada kala wareegi doontaa ra’iisul wasaaraha hadda ee iscasilay, David Cameron, oo arbacada xilka wareejindoona.

Mrs May waxa au muujisay sida ay Britain ugu baahan tahay inay sida ugu wanaagsan gorgortan uga gasho kabixdda midowga Yurub.

Waxa ay wacad ku martay inay keeneyso hogaan wanaagsan oo awood leh oo Britain ka gudbiya dhibaatada dhaqaalaha iyo tan siyaasadda.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *