Gabar Isdaldashay markii Sawirkeeda lagu soo bandhigay Facebook -ga.


 Gabar 21 jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya, ayaa la sheegay inay isdaldashay markii si anshax xumo ah,barta ay bulshadu ku xiriirto sawirkeeda loogu soo bandhigay.

Dhacdada lagu fadexayay Gabadha, ayaa la sheegay inay xiisad abuurtay isla markaana ay warbaahinta Hindiya, siyaabo kala duwan uga hadleen, taasoo dhlisay inay 5 beri kadib, ay ku dhaqaaqodo falka ay nafta isaga goysay.
Waalidka Gabadha, ayaa cabasho ka muujiyay arrintaasi ,wuxuuna ka codsaday maamulka Faecbook in sawirkeeda laga saaro ,isla markaana la qabto cidii falkaasi anshax xumida ah ka dambeysay.
Boliska Dalka Hidiya, ayaa la sheegay inuu haatan baarayo sababta arrintaasi ka dambeysay.

Share this post

Post Comment