Home.

SAWIRO : Booliska Kenya oo Nairobi ku toogtay Dhalinyaro Soomali ah.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Warka   imanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka dalka Kenya ay ku toogteen xaafada Islii laba dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay burcad ahaayeen.

Ciidanka ammaanka ayaa soo bandhigay hub lagu soo qabtay dhalinyarada ay toogteen oo la sheegay in ay dhibaato weyn ku hayeen dadka kunool xaafada Islii.

img_0105.jpg
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxo isku jirta Kenyaan iyo Soomaali oo la magacbaxday Super power ,kuwaa soo la sheegay in ay dhac u geysan jireen dadka kunool xaafada Islii.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dabajoogeen dhowr bilood sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggaasi ka dibna ay toogteen.
Madaxda Soomaaliyeed ee kunool Xaafada Islii ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka tanaasulaan falalka xun xun ,waxayna dowladda Kenya ugu baaqeen in ay dhaqan celin u sameyso dhalinyaradaasi.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *